Kakor (cookies)

Kakor på uppsala.se

Vi använder nödvändiga kakor (cookies) för att webbplatsen ska fungera.

Vi skulle vilja sätta lite fler kakor för olika funktioner som hjälper dig som användare.
Vi vill också sätta kakor för statistik så vi kan analysera och förbättra webbplatsen.
Du kan när du vill ändra dina inställningar.

Af-soomaali (somaliska)

Bogga gogoldhigga

Ku soo-dhowoow magaalada Uppsala! Waxaa magaalada ku nool dad tiradooda ka badan tahay 200 000 qof. Waxyaalaha Dowladda hoose ay mas’uul ka tahay, waxaa kamid ah xannaanadda carruurta, dugsiyada iyo xannaanadda waayeelka. Dowladda hoose waxay mas’uul ka tahay hab-shaqaynta mariinada wasakhda, wadooyinka, daryeelka qashinka, nadaafadda, ammaanka deegaanka iyo gurmadka dab-kaca. Magaalada waxay leedahay rugta buugagga. Waxaa kaloo laga helaa dhaqdhaqaaqyada wakhtilummiska kala duwan. Dowladda hoose waxay horumarisaa laamaha ganacsiga, ammuuraha tamarta iyo guryaha. Iyo ammuuro kale. Dowladda hoose waxaa muhim u ah in dadwaynaha magaalada ku nool ay ku qanacsan yihiin adeegyada ay Dowladda hoose ka heelaan.

Halkaan waxaa ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ku saabsan degmada aad magaalada ka degan tahay. Isku-xireha bogagga wuxuu kugu aadinayaa warbixin dheeraad af-iswiidish ku qoran. Markii aad doonayso inaad xiriir la yeelato maamulka degmada waxaad heli kartaa caawimaad afkaaga hooyo. La xiriir dhaqdhaqaaqa aad doonayso, kaddib waxay ku ballaminayaan qof turjubaan ah, waa haddii loo baahdo.

Barashada af-iswiidishka

Barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay, SFI, waa saldhigga barashada luqada iswiidishka iyo aqoonta bulshada dalka Iswiidan loogu talagalay dadka waawayn, oo af-iswiidishka ahyn afkooda hooyo. Haddii aad Magaalada Uppsala ka diiwan gashan tahay , aad haysato shahaadada dugsiga sare iwm, haysato tobbanka lambar aqoonsiga aan ahayn kumeelgaar da’daada ka sarayso 20 sano ayaa barashada lagu oggol yahay. Haddiise shuruudaha SFI aadan buuxi karin, waxaad barashada luqada awgeed la xiriiri kartaa Xarunta gogoldhigga [Centrum för introduktion].
Warbixin dheeraad ku saabsan SFI waxaad ka heleysaa bogga internedka SFI

Daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda

Dowladda hoose waxay ku dadaasha in dhammaan dadwaynaha ku nool magaalada, ay helaan taageerada ay u baahan yihiin, taasoo wax ugu qaban lahaayeen xaalad-noololeedkooda. Baahida taageerada waa hadba da’da qofka, itaaldarrada, falxummo ama xoog-muquuniska ka dhexdhaca qoysaska/qaraabada. Taageerada waxay ku salaysan tahay adeegga guryaha, goobaha kulamada, wada-hadal baxnaanis ku salaysan ama wakiil.
Warbixin dheeraad ku saabsan xannaanadda halkaan ka akhriso

Waxbarashada

Carruurta da’dooda u dhaxayso 1 illaa 5 sano waxaa boos laga siiyaa dugsiga xannaanadda. Laga bilaabo markii saddex sano ay buuxsadaan waxay xaq ku leeyihiin in boos dugsiga xannaanadda laga siiyo. Carruurta da’dooda u dhaxayso 6 illaa 15 sano waa in ay dhigtaan dugsiga biloowga/hoose/dhexe (fasalka 1-9), taasoo sharciga dalka Iswiidan ku xusan. Dhallinyarada dhamaystay dugsiga biloowga/hoose/dhexe waxa dooran karaan in dugsi sare ay dhigtaan. Markaas kaddib waxbarashadooda way sii wadan karaan, iyagoo kala dorta: kulliyad, jaamacad, kulliyadda shicibka iyo waxbarashada dadka waawayn. Magaalada Uppsala waxaa ku yaallo dugsiyo loogu talagalay da’ kasta oo Dowladda hoose ama gaar ahaan loo maamulo.
Warbixin dheeraad ku saabsan waxbarashada halkaan ka akhriso

Shaqo

Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen] ayay xilsaaran tahay suurtagelinta xiriirinta shaqo-dooneyaasha iyo loo shaqeeyeha. Xarunta Shaqada waxaa hogaamiyo dowladda waxaana loo adeegsan karaa lacag la’aan. Dowladda hoose waxay badi ahaan xayeysiin ku baadidoontaa shaqaale cusub waxayna la wada shaqaysaa Xarunta Shaqada.
Warbixin dheeraad ku saabsan Xarunta Shaqada halkaan ka akhriso

Guryaha

Guriyaha Magaalada Uppsala ku yaalaan saf ayaa loo gala. Guryaha Dowladda hoose waa nooca la kireysto ee loo yaqaanno hyresrätter sida kuwa [Uppsalahem] ay maamusho. Waxaa jiro guryaha la kireysto ee gaar ahaan lagu helo.
Warbixin dheeraad ku saabsan Uppsalahem
Warbixin dheeraad loogu talagalay ardayda

Waxaa kor u kacaayo helida guri haddii aad leedahay awooda iibsashada guryaha kala nooca ah, ee iskaashatada ah ee loo yaqaanno [bostadsrätt]. Waxaa jiro dulaalyaal gaar ahaan u shaqaysto oo arrintaan ka caawini karo.

Rugta buugagga iyo dhaqamada

Rugta buugagga waxaad ka amaahan kartaa buugag, ka akhrisan kartaa wargeysyo ku qoran luqado kala duwan ama ka baadi-doonan kartaa warbixin. Dowladda hoose waxay qabanqaabisaa dhaqdhaqaaqa kala duwan oo wakhtiyada firaaqada loogu talagalay, sida booqashada madxafyada, madadaalis iyo isboorti.
Warbixin dheeraad ku saabsan dhaqamada iyo isboortiga halkaan ka akhriso

Haddii gurmad degdeg ah aad u baahan tahay

Dowladda hoose ayaa mas’uul ka ah gurmadka degdegga, oo siiba ka kooban gurmadka dabkaca. Haddii aad u baahan tahay inaad xiriir la yeelato, ciidanka booliska ama gaadiidka bukaanka: wac 112. Waa xarunta laga maamulo dhammaan ammuuraha gurmadka.

Warbixin dheeraad ku saabsan gurmadka degdegga. Waxaa kaloo halkaas laga heli karaa warbixin ku saabsan goobaha aad la xiriiri karto haddii ay jirto xaalad degdeg ah aan sidaas u waynayn: haddii lagu hanjabo, taageero u baahan tahay ama fal xoogmuquunis ku salaysan qof qoys/qaraabo kamid ah ku geysto.